hadii koolkoolin dumar
suugaanta la kaashadoo
kas iyo maan loo amaano
kaydaan madhan looga dhigo
kuradii waan karaa
inaan ku idhaa xigtooy
ku aan cidi kula lahayn
kalsoonaan kugu qabaayo
naftaydaad kali ku tahay
kashaada xumaan ka saar

haday kobciyeen jacayloo
lamaana is kaashadaa
nolosha is caabiyaanoo
maruun isla kaawsadaan
kaabaay waan kuu kasee
inaan kor ka xaadsadoo
kolaba ha u malayn kaftane
kalsonida nolosha iyo
kartaa lagu meel maraayee
kashaada xumaan kasaar

Exit mobile version