Dayax kanuuraay
Adaan daraadaa
Dayax kanuuraay
U daalanaayoo

Dadkaad ii xigtaa
Dumarkaba dhamaan
Qalbigaa degtoo
Kuma dayn karee
Macaan ila dadaal
Deymadaada kaliyaan Ku diirsadaa
Deymadaada kaliyaan ku doogsadaa
Soo durug inakeen
Macaan laabta igu duub

Dahab kanuuraay
Adaan da'daadiyo
Dahab kanuuraay
Dunida gabigeed
Aan kaa daawadaa
Naftaa daris latahay
Indhuhuna dartaa
Ilma daadiyeen
Macaan ila dadaal

Exit mobile version