dadkii kala gado qarsada
waxbaa ka dhex guuxayee
garbaan kuu dhiganayaa

gudoonkuna waa adigee
gar eexo ma doonayee
garawso waxaan ku dhaho

wiil gobod gacal tihiin
waliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inuu gurigoo cidla ah
sidii geel jire fadhiyo
miyayna gantaal ahayn

dardaarankii waad gabtee
adoo fasax gaaban tagay
maxaa gablo kaaga xidhan
ma geelbaa kuu dhalay

adoo guro iyo canaan
adoon gaxaniyo dhib qabin
adoo gaajiyo dhib arag

anoo guri kuu sharaxay
gasiinkiina kuu dhex yaal
waliba gobonimiyo sharaf

adiga guud kaaga furay
waliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inuu gurigoo cidlo ah
sidii geel jire fadhiyo
miyaanay gantaal ahayn

Exit mobile version