VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Heello - Lyrics

Sidii hogol da'ay hilaac biyo dhigay Ka helayoo waan hubaayee Hanaan qurux haybadaadiiyee Haasaawiyo hidaheenii Midii aan helayn habeen qudha ee Hawadaan sida haad lalay Haadiyo shinbiruhu Haday san kala hadhin Habeen iyo maalin Hadaan la kala helin Hayadu waa hadal Dadkuba kala helo Qofaan biyo helin Haraadka kama baxo Heelala heelalay heleelahayee Oo heeladu heeladeenii weeyaane Oo habeeya halkuu lahaan jiraye Oo qofkii hadlayaaba ha iska hadlee Oo heelada ina hanuuniyaa tumayeey Oo hidiyo dhaqan heelo loo tumay iyo Helele helele helele heleey hele hele hele Habeen hogol da'ay Halkii la igu helay Miyaad hubiseen Waan habaabaye Hurdada hamigeeda ma haysaane Habaabaye waan hiloobaye Halkii aan hiigsaday ma haysaane Hawadaan sida haad lalay
Queue is empty
-- / --