VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Isma oran - Lyrics

Isma oran axadbaad socdaal gali Isma odhan isniinbaad dalxiis tagi Isma oran inanbaad ku caashaqi Amarkaagu badanaa ALLAHAYOW aroortii talaadada aqalkii aan ku soo dagay Anoo taagan irida Ee caafimaad qaba Sow ubax la mood daran Sow ma marin agtaydoo Sow iftiinkii imuu qaban Sow eegmadeedii Mudo kuma aloollayn Indhu libiqsi waayeen Afka hadal kamaan odhan Oodiibaan ku laabayoo Is ilaawayoo iska raacay gabadhii Ilayn jacaylku kaa adag Hadaad aaminow tahay Ilayn ogolku waa balo Igadh lama salaaxee Inyar laguma maalee Ilaysiyo oog ii baxaad tahay Aqligiyo aqoontaydiibaad tahay Indhahayga aragoodiibaad tahay Inanyahay ogsoonow kumaan odhan Arbacada habeenkii Arinkii ma uu noqon Aboowe iyo abaayo iyo Is afgarad ma uu dhacan ALLE mahadii weeyee Meherkiyo arooskii Sow khamiistan ima odhan Sow aramigaygii Jimcihii aroortii Ooridaydii may noqon Sabti aqalkii maan galin Mudaan aamusnaayoo Abshiraystay gabadhii
Queue is empty
-- / --