VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Isma oran mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abdiwali Sayidka
Isma oran

Isma oran axadbaad socdaal gali
Isma odhan isniinbaad dalxiis tagi
Isma oran inanbaad ku caashaqi
Amarkaagu badanaa ALLAHAYOW

aroortii talaadada
aqalkii aan ku soo dagay
Anoo taagan irida
Ee caafimaad qaba
Sow ubax la mood daran
Sow ma marin agtaydoo
Sow iftiinkii imuu qaban

Sow eegmadeedii
Mudo kuma aloollayn
Indhu libiqsi waayeen

Afka hadal kamaan odhan
Oodiibaan ku laabayoo
Is ilaawayoo iska raacay gabadhii

Ilayn jacaylku kaa adag
Hadaad aaminow tahay
Ilayn ogolku waa balo
Igadh lama salaaxee
Inyar laguma maalee

Ilaysiyo oog ii baxaad tahay
Aqligiyo aqoontaydiibaad tahay
Indhahayga aragoodiibaad tahay
Inanyahay ogsoonow kumaan odhan

Arbacada habeenkii
Arinkii ma uu noqon
Aboowe iyo abaayo iyo
Is afgarad ma uu dhacan
ALLE mahadii weeyee
Meherkiyo arooskii
Sow khamiistan ima odhan

Sow aramigaygii
Jimcihii aroortii
Ooridaydii may noqon

Sabti aqalkii maan galin
Mudaan aamusnaayoo
Abshiraystay gabadhii

codkii Abdiwali Sayidka