Nabad nabad nabaad

Ninkii nabad rabaa nacab weeraroo
Naafeeya iyo naartiyo shidada laga nabad gashaa
Naxli li'i hurdada Niyad ugu gam'oo
Naxdin li'i ku mara meeshuu raboo
Maalka iyo naftaba la nabad gasha

Ninkii nabad rabaw naxdin iyo dhibiyo
Namiim lama raboo waa nacasnimee
Aad ka nabad gashide nabad gali bulshada nabad gali

Nasteexada jano iyo kii nolol aduun naawilaayoow
Nabad gali bulshada nabad gali

Nin kastow u noqo kitaabka iyo sunaha NABIGEENA oo
Nabad gali bulshadaa

Nabad nabad nabaaad

Exit mobile version