aragaaga ruux ku ildoogsadoo
ku oomaniyo ahayso qalbiga
qof ku aasanoo aanad dayn karayn
eebo kaama dhigin

aniguba dartaa
murugada qalbiga
ololka igu shidan
uumiyo sii aan
i dareemin saw
inta tiro ilamada
uma ooyin hoos

aafada dhibtiyo
ibtilada jacayl
eebada wadanaha
ku arooriyaal
leedaada yaal

amuur i dhacee
ina kala hiqeeyiyo
haybadii kalagacal
aan ka doogsane
eegaba i hanoo

sida ubax ilwaad
isha deeqa oo
caraf iyo udgoon
yartan aynigeed
uga aaminee
uurka la iiga qoray
adi saw ma tihid

aniguba intaa
say iyo inaan
oori isku nahay
ma astaysta oo
alaykii saw
riyo kuma arkoo
kuma lihi hoo

Exit mobile version