Sida faras bullaaloo
Aan xaaluf arago
Nugaal xays ka daaqo
Baruur dhabarku xoodmoo
Ama xalin fadhiyayoo
La xanaanin jirayoo
Xudunta iyo feedhaha
Farawgu uu xardhoo
Oo xuub dhacsadayoo
Syantu dhulka xaabtoo
Oo aan xajiiniyo weli
Mudan xasiiqo
Oo xariirta shaakiyo
Xakamihii lasudhayoo
Roorayoo xabaadhoo
Xog ogaale fuuloo
Oo xufta boodaa
Xawaaraha layaboo
Oon orodka xiiqayn
Qaarbaa xardhaamee
Marka aan xagaagiyo
Xubnahaaga eegiyo

Adkaatay?
Sida xiito geelo
Xilligi gu,gii
Inta ay xergeeyaan
Xodayo ay ka foofsheen
Ama wiilal xoog lihi
Inta ay xabaadhen
Xidhadhkii hogoogane
Xeryo uuga oodeen
Ama ay xayaabliyo
Banannada xal xaliseed
Keyn labaale xaadheen
Nirguhu ugu xidhanyihiin
Oo xamaaska dooguna
Xagashaada gaadhoo
Roobna uu xuluulshoo
Wadhantahay xareedii
Oo ay xagtiisiyo
Xigtiisaba taaloo
Ay weelka xoorkiyo
Xaanunuhu xarfanayan
Marka aan xagaagiyo
Xubnahaaga eegiyo

Exit mobile version