In kastoo walaaciyo
Walwal kaa ilaashoon
Qalbigayga ku waray
Waaxyaha jidhkaygana
Wehel kaaga dhigayoo
Wadnahayga kugu qoray
Weheey caashaqeenii
Adaa wiiqay
Taladee
Iyo wada jirkeenii
Hadaad mooday
Wariseey
Wakhti inuu ikaa baday
Ugu weehan maayee
Wax dambiyo nasiibkaa
La wadaag aduunyada
In kastoo wareeriyo
Soo maray wax ii daran
Adna aad war iga hayn
Sida walad aan dhalay baa
Qalbigayga ku wayntoo
Walbahaarku igu goray
Wacadkii ilawdaye
Ar maad waali kulantee
Wiiq sare ka lulataa

Exit mobile version