halkaad igag taalaa hodaneey fogaa
miyaan hani haween kula simaa marnaba
hufnaantiyo hida dhawristaadii
habsamida asluub hooyo iyo aabaa
hodan kugu bar baariyoo

haybad qurux wanaageey
hugataye xishood adigaa runtii
had iyo goor waxaad jeceshay horumarkayga
inaan hiigsado meel hore ka horeeyo asagay

kolkaan hanaqaadayoo hamiyay guur aroos
waxaan hiiqa oo dhacaba habeenba meel ku hoyda
kolkaan hodan ku helaybaan hamdi mahad idhiyo
haraadkiina iga goysay hiiladii naftaydaay

hawraarta ereyada waxan heestii ku jaray
rabi waxaan ka baryaayaa hanada wiiliyo
hablo ii xambaartoo hodan daadahaynaa

Exit mobile version