Lugtii adhaxda waydaa
Laxaad uma dhaqaaqdee
Halbawlaha wadna lula
Adna waad ku ladhantee
Aniguna la'aantaa
Inaan lado ha eegine
Alayliyo alaylehe i lumisee

Waxay libintu taalaa
Lamaanaha dhexdeene
Liibaan waxa hela
Labada is gargaaree
Ana lumay jacaylkaad
Ladan igu abuurtee

Raga laguma liidsado
Lacagiyo aduunyee
Barituu ku loolaa
Maantuu la liicaa
Lalabaa hayaankaa
Dib u laaban maayee

Exit mobile version