sidii dayax shan iyo toban waxaad tahay door haween
dabiibkii naftayda iyo waxaad tahay dugsi ii wacan
adaan daacad kuu ahoo dagay beerkiyo wadnaha
adaa daymada u roon indhuhu kugu doogsadaan

dareen wacan baan qabaa dadaalkeedaan hayaa
adaan kuu duubanehee adigu dahabooy daryeel

sidii dalsan ciida hoo intuu roob xalay ku da ay
dabayl neecaw udgoon dawooy adigaa ka dhigan
inaan guri wada dagnoo ubad ii daadahaysoo
damaashaad iyo ciyaar ayaan kula doonayaa

Exit mobile version