guurku waa mid suubanoo sumcad iyo wanaag badan
saadaasha caawana libin taad sugayseen xasan ku sugnate
kol hadaad sideedaba
inantii sal iyo baar sanadkan hablaha kacay suuradiyo quruxdaba
dumar ugu sareysee farxiya siman saatir uu ku siiyoo sadka dhanab
ka noqoteen

habeen samadu furantahay saacadii ijaabada farxad iyo salaam iyo
samo khayr ku hoy gala sareediyo barwaaqiyo ubad saafiyo wacan
saatir ha idin siiyee sabo nabad ku waara

sal dhig weeyi guurkuyoo sad ilaah nasiiyee sifahaan u jeedana
nafta sahansigeediyo qalbigaagu siduu rabay xasanow ma sheegine
samra tii wacnaydoo sarritiyo xishoodkaba saxar iyo xumaatiyo
wax saluuga lagu arag kol haday ku saacidi

Exit mobile version