Caruurta markaan ahaa
Jacaylkiyo waayihiisaba
Ciyaarbaan u qoysan jiraye

Inuu cadib iyo dhib yahay
Colaad iyo geedi yahay
Cindiga imikaan ka helay

Curuubay dhabankaada culan
Cisiyo sharaftaad badan
Naftaydaa cajab gashee
Cishqiga ila qabo dhankaaga
Cishqiga ila qabo dhankayga

Wakhtigu waa caynba cayn
Kolay shalay cid abaad
Maantana ku caweynin nabad

Cishiyo dalagiyo aroor
Waxaan caashaqa uga go,ay
Cawooy waa aaawada

Curuubay dhabankaada culan
Cisiyo sharaftaad badan
Naftaydaa cajab gashee
Cishqiga ila qabo dhankaaga
Cishqiga ila qabo dhankayga

Exit mobile version