Waxay nololi taalaa
Laba lagu bariistaa
Dhulka hooyo umuuraay

Nacfi ma laha dhoofkuye
Niyadaada yuu galin
Nafta baxar ha soo galin

Nacas yuu ku soo sirin
Janaduu rabaayoo iyo
Dhulkaba la raaricin
Dhulkaba la raaricin

Ku nagoo dhulkeenoo
Nin ku deeqa eebuhu
Ku nagoo dhulkeenoo
Nin ku deeqa eebuhu
Nasiib kugu beegyoo
Ku raaxayso nolol wacan
Nolol wacan
Ku raaxayso nolol wacan

Nimco waxay dhex taalaa
Nafis lagu caweeyaa
Dhulka hooyo nuuraay

Nuxur ma laha dhoofkuye
Nabdigaada yuu galin
Naarta daranta yuu kuyee

Nacab yuu ku soo hoodin
Yana yaay jidhka iyo
Nasteexaba lagaa dhicin
Nasteexaba lagaa dhicin

Ku nagoo dhulkeenoo
Nin ku deeqa eebuhu
Ku nagoo dhulkeenoo
Nin ku deeqa eebuhu
Nasiib kugu beegyoo
Ku raaxayso nolol wacan
Nolol wacan
Ku raaxayso nolol wacan

Nasiib kugu beegyoo
Ku raaxayso nolol wacan
Nolol wacan
Ku raaxayso nolol wacan

Exit mobile version