Dadku waa bestoodoo
Dhibtu weyku badataye
Sidii looga bixin lahaa
Badbaadeey rabaan

Barakicinta maatiyo
Balaayo meyska deyna
Nabad maysku baaqna
Balan meel ma dhigana

Sharafteeni baaba’diyo
Qaran keeni burburay
Dhisme maku bilownaa
Mabilnaa calankeena mabilnaa
Mabilnaa calankeena mabilnaa

Badaa khayr ka buuxaa
Bari geynu leenahaa
Macdan iyo badrool an
Marna laga baneyn karin

Inan barino aadane
Nama badin Ilaahay
Ma baraarugnaa oo
Bulshooy maysu talina

Sharafteeni baaba’diyo
Qaran keeni burburay
Dhisme maku bilownaa
Ma bilnaa calankeenu mabilnaa

Exit mobile version