Nasteexadii kalgacalkeen
Naawilaayay baa tahoo
Neyruuska caasahaqa
Nafta kuu tilmaamee

Abduu nugul haraad qabo
Abduu nugul haraad qabo
Qiimihiisa muuqiyo
Ma xasuusta neeftee
Qiimihiisa muuqiyo
Ma xasuusta neeftee

Ana mudka beerkiyo
Intuu nabarku igu yaal
Miyaan nuuxsan karayaa

Naruuradii jacaylkee
Nafta doojisaa tahoo
Neecawda caashaqa
Niyadayda galisee

Nasrigii i deeqaay
Nasrigii i deeqaay
Halistaad ka nabatoo
Nabdigaa ku tabayee
Halistaad ka nabatoo
Nabdigaa ku tabayee

Ana mudka beerkiyo
Intuu nabarku igu yaal
Miyaan nuuxsan karayaa

Exit mobile version