Canabeey aduunyadu
Waa laba is caashaqay
Waligoodba nololeed
Nasiib wacan ku qaatoo

Is caleemo saaroo
Cadawga iska tiirshoo
Isu calool fayooboo
Kala qaata amarkee

Waa caynadaasoo
Ku cadeeyay aniguye
Adna caashaqeeni
Ha ku tuurin ciirsi la
Sida curad u daadihi

Canabeey aduunyadu
Nimuu caashaq helaybaa
Turuqiyo laxaadiyo
Xoogiisu ciilaye

Cabashana aan waayine
Ana caynkanaan ahaye
Adigaa i cusleeyoo
Cudurka igu beeree

Waa caynadaasoo
Ku cadeeyay aniguye
Adna caashaqeeni
Ha ku tuurin ciirsi la
Sida curad u daadihi

Exit mobile version