Afku dhuxulaa
Dhaayaha indhaha
Dhalad wanaagaaga
Dhaldhalaalka guudkaaga
Modabkaaga dhiinka ah

Dhaayaha u rooneey
Dhaqaaq joogsigaagiyo
Dhoolo ka qosolkaa i dilay

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xanbaaryeey
Ma wax kula dhigmaa jira
Xabiibi kula dhigma jira
Qaali kula dhigma jira
Macaan kula dhigma jira
My love kula dhigmaa jira

Dheemaneey dhul roob helay
Onkodkii ku dhacay
Dhibicduna ku wayntay
Oo dhalaalka geedaha
Dhaayuhu ku doogtaan

Waxaad iiga dhigantay
Sida laanta dhabigoo
Dhir iyo ubax ku yaalaan

Halkii aad ku dhalatiyo
Dhudi lagu xanbaaryeey
Ma wax kula dhigmaa jira
Xabiibi kula dhigma jira
Qaali kula dhigma jira
Macaan kula dhigma jira
My love kula dhigmaa jira

Exit mobile version