Tii aan xariirtiyo
U xidhaayay dahabkoo
Xaaskaygii noqotaa

Xumo igu samaysoo
Waanigan xageedii
Xurmo beel ahaadee

Xubibaan sugaaye
Xaradhaamo wasyee
Xujadan maxay tahay

Ma xaqbaa inay
Xurmadaan jeclaa
Xasad noqoto oo
Xabsi igu ridoo
Xero kale gashaa

Tii aan xogtaydiyo xiisaha kalgacalkaba Anigu xanbaarshaay

Ii gogoshay xaranoo
Waanigan xasaradiyo
Garan waayay xaalkee

Xeerkiyo asluubtiyo
Ku xad gudubtay dhaqanko
Xakamaysay dookhee

Ma xaqbaa inay
Xurmadaan jeclaa
Xasad noqoto oo
Xabsi igu ridoo
Xero kale gashaa

Exit mobile version