VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida Ubaxa Waabariga - Lyrics

Abuuraas sida ubaxa waaberiga ama uduga saxansaxada ku arko, markaan ku arko adigaa jacaylku i abaaraayee agagaarka beerka iyo wadnaha layga adaaye waa olol jacayloo waa urugo kalgacale Sahral sida abriska iyo aarka ayaan umalka iyo taaha hadba aburka seydhaaye Abuuraas indhahaagu waa bodee quruxdaadu waa ugubee hablo kacay adduunyada adaan kaa asdeystee sideen kuu ilaabaayee Sahra sida hawd ugbaadkiisa ama daalo aragooda ku arko, markaan ku arko adigaa jacaylku i abaaraayee indhahayga caashaqa ilmada lagu asqoobaayee waa olol jacayloon waa urugadaadee Abuuraas sida ubaxa iyo diinka ayaan araga iyo muuqa indhaha ugu furiyaayee Sahra waa adiga caashaquye waa arami hawluhuye waxa wiil arlada jira adaan uurka ku hayaa sidaan kuu iloobaayee Abuuraas sida ubadka iyo ehelka ama aabe iyo curadka ku arkoo, markaan ku arko adigaa jacaylku i baaraayee agagaarka beerka iyo wadnaha layga adaaye waa olol jacayloo waa urugo kalgacale Sahra sida abriska iyo aarka ayaan umalka iyo taaha hadba aburka seydhaaye Abuuraas indhahaagu waa bodee quruxdaadu waa ugubee hablo kacay adduunyada adaan kaa asdeystee sideen kuu ilaabaayee Sahra sida ulaha dhabigeena ama uduga yaaquudka ku arko markaank u arko adigaa jacaylku i baaraayee indhahayga caashaqa ilmada lagu asqoobaayee waa olol jacayloon waa urugadaadee Abuuraas sida ubaxa iyo diinka ayaan araga iyo muuqa indhaha ugu furiyaayee Sahra waa adiga caashaquye waa arami hawluhuye waxa wiil arlada jira adaan uurka ku hayaa sidaan kuu iloobaayee.
Queue is empty
-- / --