VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Sida Ubaxa Waabariga mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abuu Raas
Sida Ubaxa Waabariga

Abuuraas
sida ubaxa waaberiga
ama uduga saxansaxada
ku arko, markaan ku arko adigaa
jacaylku i abaaraayee
agagaarka beerka iyo
wadnaha layga adaaye
waa olol jacayloo
waa urugo kalgacale

Sahral
sida abriska iyo aarka
ayaan umalka iyo taaha
hadba aburka seydhaaye

Abuuraas
indhahaagu waa bodee
quruxdaadu waa ugubee
hablo kacay adduunyada
adaan kaa asdeystee
sideen kuu ilaabaayee

Sahra
sida hawd ugbaadkiisa
ama daalo aragooda
ku arko, markaan ku arko adigaa
jacaylku i abaaraayee
indhahayga caashaqa
ilmada lagu asqoobaayee
waa olol jacayloon
waa urugadaadee

Abuuraas
sida ubaxa iyo diinka
ayaan araga iyo muuqa
indhaha ugu furiyaayee

Sahra
waa adiga caashaquye
waa arami hawluhuye
waxa wiil arlada jira
adaan uurka ku hayaa
sidaan kuu iloobaayee

Abuuraas
sida ubadka iyo ehelka
ama aabe iyo curadka
ku arkoo, markaan ku arko adigaa
jacaylku i baaraayee
agagaarka beerka iyo
wadnaha layga adaaye
waa olol jacayloo
waa urugo kalgacale

Sahra
sida abriska iyo aarka
ayaan umalka iyo taaha
hadba aburka seydhaaye

Abuuraas
indhahaagu waa bodee
quruxdaadu waa ugubee
hablo kacay adduunyada
adaan kaa asdeystee
sideen kuu ilaabaayee

Sahra
sida ulaha dhabigeena
ama uduga yaaquudka
ku arko markaank u arko adigaa
jacaylku i baaraayee
indhahayga caashaqa
ilmada lagu asqoobaayee
waa olol jacayloon
waa urugadaadee

Abuuraas
sida ubaxa iyo diinka
ayaan araga iyo muuqa
indhaha ugu furiyaayee

Sahra
waa adiga caashaquye
waa arami hawluhuye
waxa wiil arlada jira
adaan uurka ku hayaa
sidaan kuu iloobaayee.

codkii Abuu Raas, Sahra Ahmed