Abuuraas

hadii ruux jacayl sigo
sahwi waa walaalee
sidrigaygan damaqdee
inkastoonan sababtii
sidan kuugu imiba
si wacan kuu garanaynin
markii aan salan idhi
suuniyaha dushoodiyo
sida wajiga la ururshiyo
intaad timaha seydhee
saddex goor gacmahiyo
surka aad is jabisee
sidi qabax intaad tidhi
sanqaroorka taagtee
aaniguna sulaaqii
maan seexanine xalay
waxan sara fadhiyaaya

Sahro Axmed

dumarkuba saluugiyo
subaxdaad is barataan
sahwiga way iska leeyiin
hadii aan uqabay sidan
jeceyl seefa inuu yahay
waaban kuu sad burin laa
waxa soo sokaba maray
sula xaajadii ahayd
samaheenan maantee
sahwiga iska daayoo
sidaasay isaga wadan
ragbaa dayaxa sahansday
sirta dumar adoon galin
samir ila ogoowoo
imikana sidaan rabo
hadii eebe igu simo
waxaan suga wax hiigsada
sadaalada aan qabo
si kastaba adaa u wacan

Abuuraas

hadii saydhmo dhibic roob
uu simo xareed wadhan
saxalku waa ka guuree
adiguna sidaad tahay
sareedada aduunyada
sahal maydaan ku gaarine
hadaad saaka ii timid
mabaad igu salaanteen
maxaad iila socotaa
samo iyo xumaan kee
sadex goor wadnaha iyo
sinta midig is qabatee
sidi qabax intaad tidhi
socod igula hadashee
aaniguna sulaaqii
maan seexanine xalay
waxaan sara fadhiyaayaa

Sharo Axmed

sarsarada wadnahiyo
surimadiisa dhiigiyo
saablayda feedhaa
seediyo laf caashaqu
amba sadh iyo saan
waa kan sudhan naftaydee
ma sahlana huq sii dheer
cidba hadaanana kula simin
oonan laba sad noqo odhan
naxliga iska saaroo
ila soco dhul sooniyo
foof daran abaariyo
saymo oo dhan kalidaa
kaaga siiban maayee
imikana sidaan rabo
hadii eebe igu simo
waxaan suga wax hiigsada
sadaalada aan qabo
si kastaba adaa u wacan

Exit mobile version