VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Ha iloobin mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Abuu saciid muunye
Ha iloobin

ogow aadan iyo xaawo
abliiskii kala geeyaa
ilmihiisana agjooga
iska ilaaliyeee
lawada uurkooda israaca
ay kala oodaan arintoo
iimaanka aad iga qaadee
see kuu iloobi karaaa
amba uurka aad iigu tala
aad u adkee axdigeee
abiikar asli ha iloobin
adimaa ku iloobi karaa
adi maa ku iloobi karaa

amba waan ku ishaartee
uurkaa iigu taaleee
markii ku arkaan
arwaax ii aheee
abliis amuurtiis iga aale
i aamin i afyahay ma oge
amba uurka iigu taalee
aad u adkee axdigeee
iimaanka aad iga qaade
seen ku iloobaa aragaa
abiikar asli ha iloobin
adimaa ku iloobi karaa

intiis eebe abuuree
aduunka ku ordaysoo
maseelkago kaleetii
waa arki waayayeee
ruux ahaan iigu afdodiye
ubax janadaa tahaye
iimaanka aad iga qaade
seen ku iloobaa aragaa
amba uurka iigu taalee
aad u adkee axdigeee
abiikar asli ha iloobin
adimaa ku iloobi karaa

amaan iyo af macaane
aabe noo ogolaatee
inaan u istareexnaa
abaalkaa waayeee
igaar adkaar ma arkaaye
ishii adaay ku raacdayee
amba uurka iigu taalee
aad u adkee axdigeee
iimaanka aad iga qaade
seen ku iloobaa aragaa
abiikar asli ha iloobin
adimaa ku iloobi karaa

codkii Abuu saciid muunye