Aadmigu faduuliyo
Faaqidaad ma daayee
Intay kula faqaanbay
Farahana la soo gali
Waxaan faa,iido ugu jirin
2x

Adna feejignaw oo
Fikradaada kaashoo
Adna feejignaw oo
Fikradaada kaashoo
Faalada kalgacalkuna
Fudayd yaanay kula noqon
Faalada kalgacalkuna
Fudayd yaanay kula noqon
2x

Fidna lama abuuree
Waxba ha i faquuqinoo
Ha ina kala fogayninee
Ha ina kala fogayninee
Farxad iigu noolow
2x

Wixii aanad filaynbaa
Ileen kaa fajiciyoo
Falaadh kaaga daranoo
Kugu fool adaygee
Fahanoo fahan ujeedada
2x

Ku foognoow dantaado
Ficilada dhacaayoo
Ku foognoow dantaado
Ficilada dhacaayoo
Falanqeynta xaajada
Fiiro gaara u lahoow
Falanqeynta xaajada
Fiiro gaara u lahoow
2x

Fidna lama abuuree
Waxba ha i faquuqinoo
Ha ina kala fogayninee
Ha ina kala fogayninee
Farxad iigu noolow
2x

Exit mobile version