ileen subaxbaad kacdaa
noloshu waa sadar kalo
adoo si qorshaystaybay
si kale kugu soo sinta
sidaynu ahayn shalay
samaantiyo wada jirkii
sagsaag galaybaa jiree
maxaa saxmi lee qaldamay
jacaylkeeni samaa
beryahan wuu suuxsanyoo
si buu isu dooriyo
bal saakana waa jimcee
bun iyo samee salool
malaha saar baa hayee

waaliyoow saar waaliyoow
waaliyoow wuu wayraxaa
waaliyoow saar waaliyooo

inuu sal balaadha oo
sadriga uu ku fidoo
seedaha hanta mooyiyee
ma suulo jacayl dhabii
ha yeeshee waa sunaha
dareen laba wada sidaa
inuu sahwi soo galee
maxaa isu kaa sawiray
jacaylkeeni samaa
beryahan wuu suuxsanyoo
si buu isu dooriyo
bal saakana waa jimcee
bun iyo samee salool
malaha saar baa hayee

waaliyoow saar waaliyoow
waaliyoow wuu wayraxaa
waaliyoow saar waaliyooo

Exit mobile version