udugaagu waa cuudka
ama cadar isoo jiita
carfigaagu waa gooni
cidkaloon xushaan joogin

midabkaagu waa caynka
cirka dayax ka soo muuqda
cadaan yeedhay weeye
caro edeg dadkaa jooga
ma cidbaa ku gaadhaysa
calashaan iftiinkaaga

hadii calafka guurkaygu
noqday caasha koostayda
cawadayda weeyaane
caashaqu ha guulaysto

dhexdu caaro dhuub weeyi
ciir ciirka timo jooge
cidhbadaheeda oo laydhu
ku ciyaarto waa dookhe

cadka siman kubkee buuxa
cududaha laf iyo jiidhba
uu CAADIL miisaamay
camirnaanta qoortaada
cabaadhyaha garaaraysatay
caashaay aduunbaa le

Exit mobile version