Dugsoo adigaan
Ku diirso lahaa
Ku doogso lahaa agtaada Dawooy
Maxaad udidaa
Usii durugtaa
Adoon dususiyo
Doc kale igu arag
Anoo daacadoo
Cid kale doonayn
Anoo dumarkaba dibnaha ufurayn
Kumaan daginoo
Kumaan duuginoo
Waxan ku duree
Dareentay macnee
Duyaanka buuqa
Daara macnee
Anigu daalaye
Dantaada macnee
Dabiyo waxdigii
Digaad ka dhigtoo
Dubaaqiyo maanka waad dubatee
Anoo kuu dabacsan baad
Waheey dig tahee
Maxaad
ka dudaa
Aan kaa daayee
Dabciga noocanii
Dabeecin miyaa
Dabuubtii wacnayd ku diiq galisee
Maxaan deeqaay kashaada dagay

Exit mobile version