Jaceel kaan xanaanin
Jiray qaar baa helay
Xaasidoo farxadii waa
La iga xaday X2

Xawaarihii baa isdhimay
Waxan galay xaalad kale
Waxay xanibeen dareen
X2

Kuwii rabay xasaradoo
Xalaal caashaqa ku koray
Madamo xidigiisa wacan
X2

Xidhiidhka haduu qof jiro
U hayo xurmo iyo wanaag
Xaqiisana dhowri jiray
X2

Kun baa jira xumaha jecel
Xan toodana sii wad wada
Lamaana is xeerin jiray
X2

Kuwii rabay xasaradoo
Xalaal caashaqa ku koray
Madamo xidigiisa wacan
X2

Exit mobile version