gunaanaday jacaylkee galabtiyo habeenkii
goortii madoobayd guudkayga saaree
garba duubka ii xidhay
soo gardaadintiisii isagoo gayaxa madhan
garabkoo i daaliyo aawadaa u golon golay
soona noqoy garaadkii gunaanaday jacalkii
adiguna gundhacadiyo gamaray ku noqoto
ana waan gunaanaday soona dhigay godkiisii
ubaxaan gaboobayn
gunaanaday jacaylkii gardarada badnaayee
garawshaha necbaadee ku rabaas ragaashee
gallay moosi jiray abid
geedkaynu beernee godob lagu anqariyee
gafkaan aawada galay uga go ay dadkaygii
gooni jooga iga dhigay

Exit mobile version