Bishu wali ma tobonbaa
Balantuna ma walibaa
Riyaduna ma beenbaa
2x

Badu laydh qaboobaa
Badu laydh qaboobaa
Cirku booto dheeraa
Badu laydh qaboobaa
Cirku booto dheeraa
Boholyowga caashaqu
Beer goyni weynaa

Baahida kalgacalkana
Adigaa igu beeree
Baahida kalgacalkana
Adigaa igu beeree
I bogsii walaaleey
I bogsii abaayooy
2x

Hilaac aan bidhaansadee
Biyo kama dhibcaayee
Daruur ii ma baaqee
2x

Badu laydh qaboobaa
Badu laydh qaboobaa
Cirku booto dheeraa
Badu laydh qaboobaa
Cirku booto dheeraa
Boholyowga caashaqu
Beer goyni weynaa

Baahida kalgacalkana
Adigaa igu beeree
Baahida kalgacalkana
Adigaa igu beeree
I bogsii walaaleey
I bogsii abaayooy
2x

Exit mobile version