dhool iyo fad soo muuqday iyo dhibica guga
oo hooray waxaad tihiin dhul nabadeed
nimcaduu dhigay illaahay
dhool dhoolintiinii jacayl dhe imuu heline
caawana aroos damoonle waaka idiin
dhacayee

dhawaaqa iyo yeedhmada kalgacal dhaga
nuglaantiina isku dhaadashadu waa cishqiga
dhaymihii rune isku dhiiba sida dhay lisoo
dhama macaankiisa

dhalinyaro ayaanloo waxaad tihiin dhamaystirane
oo dhadmo dookh wacan midiba helay dhigiisii
dhag dhagiyo farxaadi qoyska waa u dhaxal ma
guuraane yaanu kala dhantaalmine cishqiga
waa la isla dhawra

Exit mobile version