waa laba is caashaqay
is cugtoo iskala baxay
caro edeg dadkaa nool

laba weeyi calafkiyo
isku cugay nasiiboo
dareen caashaq wada helay

isu ciirsi noqoshiyo
calmashiyo lamaanaha
is cisayn ku wada jiraaye

ubad iyo caruur
deeqiyo arsaaq
CAADIL ha idin siiyee

cindiga kala wada farxoo
caawadoodii weeyee
u ruxaay u ruxa ubax iyo caleen u ruxa

waa laba carshiga sare
calafkooda laga qoray
oo ladnaan cawaysimay

waa laba calool sami
kalgacayl ku curayoo
is xaqdhawr ku caanbaxay

gobaa caashaq dhaxashee
sidiina cawiyo sharaf
cidhib yeesha beertee

Exit mobile version