Sida mayay arooryaad
Miiraale soo kacay
Meel mahiigaan jilbaha dhigay
Dhirtu ay magooshoo
Maanka iyo caleentii
Isku maydhac soomeen
2x

Dhulka muruq ka soo baxay
Muran uu dhex yaaloo
Anaa kaa macaaniyo
Waxan ahay mas ciideed
Hadal la isu marin karin
Maashee barwaaqaa
2x

Muuqooda inanyahay
Marmarbaan ku moodaa
Ama kugu masaalaa
2x

Runta lagama maarmee
Maalintaan ku halacsaday
Meel dhimanla inaad tahay
Madmadow igama galin
2x

Dayaxoo muquurin
Marna galin daruuroo
Maalmaha shan iyo toban
Mudadisii buuxisay
Cadceeduna mudh soo tidhi
Madaxyada falaadhaa
2x

Ku mariintay nuurkoo
Midabaysay inanyahay
Casaan milica wali noqon
Isha muuqsigeediyo
Mililico jaleeciyo
Anaa meel ka daawaday
2x
Muuqooda inanyahay
Marmarbaan ku moodaa
Ama kugu masaalaa
2x

Runta lagama maarmee
Maalintaan ku halacsaday
Meel dhimanla inaad tahay
Madmadow igama galin
2x

Exit mobile version