marwo sharaf u dhalataay meelsan
maaniyo tigaad galku meersan
ama geed masoo wadhay muuqsan
ayaan kugu masaalaa midabsan

mayay da'ay arooreey midabsan
gal xareed ku maydhaay miyirsan
adigoo nogol u eegeey muuqsan
midigtaada ii dhiib milicsan

naftu tay u muhataay magacsan
adigoo macaaneey mahadsan
misna ii xalaaloo mehersan
ma dagnaa udgooneey minansan

marwo sharaf u dhalataay maansan
sida ceel mahwiya oo maaxsan
ama

Exit mobile version