midabka dhaladkee
maariinka xigiyo
muuqiyo quruxdaa
maankaygaa hagee
miftaaxa xiskayga
masuul ka ahaw

milgiyo sharafiyo
maamuus dhaladaay
ragaba miisaan
ka wada mudatee
hortayda ka muuqo
amuutwka hortii

hadaad maqantay
ma maarmi karoo
maalintu sanaday
marwooy ila tahee
mankiyo ubaxiyo ubaxiyo
gudoon midhahani

dhaguhu ma maqlaan
marlay cod kalee
ku soor muxibada
qalbiga muhashoo
mamnuucay ragii
haweenba ka maag

bidixdu midigtay
miciin u tahee
hadaanan marwooy
jacaylka magtiisa
dulsaar dulsaar madaxayga

noloshu midawgay midawgay
macaan ku tahoo
jacayl madi ahi
ma midho dhalayee
kashaad mulkidee
u muuji xaq dhawr

Exit mobile version