qurux iyo hadii ruux
inuun qiimo leeyahay
qaadir baa ku siiyo
qayb kaaga dhigay sharaf
qalbigii gudoomee
qiimeeya maad noqon
qudhan kuu xabiibka ah
qadaf iyo hadaan shalay
qorshe kale mar sahansaday
qurux iyo male aduunyadu
qoys aad ka maqan tahay

qaalidi haweenkaay
qalbigaygu kama lado
qiimaha dhasheeniyo
quruxdaad ka kaw tahay
qaaradaha aduunkiy o
qoysnaba kamaan maqal
qiraarkii ilyaasiyo
najax qiimaheedii
qadaf iyo hadaan shalay
qorshe kale mar sahansaday
qurux iyo male aduunyadu
qoys aad ka maqan tahay

Exit mobile version