Rafashada jacaylkiyo cishqigan raraafka igu jiiday
raxanraadka xiisaha i baday ee i kala riiqay
Kululaa rafaadkiyo dhibtiyo Raranka aan jiidhay

ilayn ruux jacayl haleelay hurdada Raaxo uma seexdo
Ilayn uurka dhamac kaaga rogan roobku maba qooyo
Ilayn maanku tuu rabo indhaha klama riyaabtide
Ilayn raacdadeediyo lugtiyo raadin kama daashid
Ilayn laabta ruux kaaga yaal kuma riyoon waydid

Ribashada kalgacalkiyo car jabay quus la daba roorka
Rubad ololka beerkiyo kashiyo ruxanka maankayga
Bal anaa ridada tuuriye adaa turuqday ruuxdaydu

Exit mobile version