Dhaaxaad is sidatoo
Aduun kuu samraayoo
Nafta kugu sasabayee

Dhaxaan sir iyo caad
Wixii aad samaysaba
U sacaba tumayee

Ogoow samirkii waa jiray
Waa seeto goostayo
Sadkiisaa dhamaadee

In suldaanku boqor yahay
Fiqiirkuna sabool yahay
In sibraar mugii yahay
Oon saa,id lagu darin
Ila garo saluuglaay

Dhaaxaan samaayoo
Sixin iyo ahaa malab
Kuu yaal sintaadee

Adiguna saluuglaay
Saadaasha khayrkiyo
Luminaysay saacee

Ogoow samirkii waa jiray
Waa seeto goostayoo
Sadkiisaa dhamaadaye

Inuu samirku waca yahay
Salfudaydna daal yahay
Inay siigo boodh tahay
Saxansaxo udgoon tahay
Ila garo saluuglaay

Inanyahay sidaadaba
Marka hore salaan hoo
Oo waliba sooryo ah
Waa inaan ku siiyaa

Marka xiga sirteenii
Saadaashu wadatee
U sacaba tumayee
Seetada lahaydee

Aan ku xidhay sibraarkee
Ku qufulay sanduuqee
Muftaaxeegii suubane
Saablayda hoosiyo
Bogada ibtoodiyo
Wadnahaaga aan sudhay

Sawdigan ka saaree
Durba siiyay ruux kale

Sadarkaasi ii xidhan
Midna socoto weeyaan
Waa badi sirtaydiyo
Waxa aan ku suganahay

Waloow aad i sidatoo
Mudo ii samraysoo
Ii sama falaysoo
Sal ma dhiga ka wacan tahay

Sidaad maanta yeeshiyo
Saanaaanka muuqdaa
Kaa siisan maayee

Waa maxay saluuglaay
Sakalaan is dhaafsaday
Sideebuu xaalku kaa yahay

Exit mobile version