intay kala dhaqaaqiyo
kala dhimasho joogte
qof ku jecel si loo dhayo
si loo dhibaa ka fududahay
cashaaqu dhab uma hayee

adoon hadal dhunkaaliyo
erayada qalbiga dhiba
afkaan ka dhawrayn
intaan kaa dhursugayo
baray dhaami aan idhi

jacaylkani dhamaadee
xidigiisu soo dhacay
sow kalsooni dhimatiyo
mudo dhaaf kumaad dilin

qalbi dhawris kaa mudan
intay tahay ku dheeldheel
ama dhiilo hoosiyo
dhagar caashaq leeyahay
tahay ruux ka dhigo xidhan

adigoo waxii dhacay
dhihi karin wali hadal
anaa heli bilaa dhiig
aan dhiidhiiyeene
waxaan dhawraya jira

Exit mobile version