Baabulahaa libaaxiyoo.
Kayn bahal ku jiraa oo
Dugaagu uu ku badanyahay
Kama bayro halistiyo
Nafta baylah-deedoo
Nafta baylah-deedoo.

Bishan kaa maqnaa baa.
Sanad? igaga badatoo
Bigilkaa la tumayiyo Uma? dego bannaankoo
Jacaylkii i boobaan
Ka ilaaliyaa buub
Uma dego bannaankoo
Babac baan ku noolee
Bar barkaad jidhaa baan
Bisinka u hayaa
Barkhad & bishaarooy
Ballantaynu dhiganaa
Hawd iiga baaqee
Wadnahaad la baydhaa
Ku bariidinaayee Wadnahad la baydha

Ku baafinaayee
Ma beri samaateen
Maberi samaateen
Dadkoo baahi qaba
Abaar ay bes joogaan
Xilliguu ku beegnaa
Guga oo balaadhoo
Bari iyo Galbeed baxadiisu? is gaadhoo
Xareedii la buuxsaday
Baadkiyo caleentuna
Carradii ku baaheen barqo-dhereg la joogoo
Dhallintiyo barbaartuna bartamaha habeenkii batar ay waceen baan ka baadiyooboo
Bar barkaad jidhaa baan bisinka u hayaa
Barkhad iyo bishaarooy ballankaynu dhiganaa hawd iiga baaqee

Wadnahaad la baydhaa ku bariidinaayee, ku baafinaayee

Exit mobile version