VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Bararoow – Taariikhdu waa buug - Lyrics

Magool: Taariikhdu waa buug baddu meeri karinoo Beryo lama ilaawee Naftaad baaxad saaraha Bukaan ugu maciintaa Kuu beer naxeesee Haka goyn bariirada Bahadu hay ladnaatee Kalgacaylka baasee ma bogsiin kareesaa?? Inakoo Barwaaqo, Baro Roon ku noolbaan Xalay soo Baraarugay. Cigaa: Taariikhdu waa buur Biyo qaadi karinoo Baadi doon ma noqotee Dhulka meel banaaniyo Baan duur ruux dagay Barqo reer ma oodoo Kuma waabiriistee Adigoo bukaan qabin Balo looma yeertee Barashada horteed mayaa Waxaad iigu baaqdiyo Balankaada fududaa Beer laxawsi weenaa Magool: Guur waa bar ??? Labu ay ku badatoo Aduunyaduna waa baax Iyo sida burdoogloo Way laba bogseesaa Nafta kuu biseeshoo indhihii basaastee Bahdu ay ladnaantee Kalgacaylka baastaa ah Ma bogsiin kareesaa Inakoo Barwaaqo, Baro Roon ku noolbaan Xalay soo Baraarugay. Cigaal: Waxa laba baraaraa Bararoowdu hoyataa Markii bilacda guurkiyo Nolasha iyo baraaraha Faraxad aad ku bogatee Ubad kaa beermaa Basasbaas ku noolaanin Adigoo bukaan qabin Balo looma yeertee Barashada horteed mayaa Waxaad iigu baaqdiyo Balankaada fududaa Beer laxawsi weenaa Magool: Hoyaduba wiilay Hanaqdeeda saartoo Horadkeedu siisoo Dhibaka iyo hantaaqada hurdo seexan weeydaa ??? Halka aad tabeesiyo Hibashadana kuguma ogi Hayeeshe hankaa xero Hooda iyo nasiibkaaga Haruub wada wadaagee Hani kaama gaagixin Jacaylkana hingal ku xero Aan kala hayaanee Cigaal: Hooraarta dhaqankiyo Hidaheena sooyal Bal haybad raacnee Hore ruuxa kugu xera Ama caana kugu haba Hog miyaa la mariyaa
Queue is empty
-- / --