VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Bararoow – Taariikhdu waa buug mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Axmed Cali Cigaal
Bararoow – Taariikhdu waa buug

Magool:
Taariikhdu waa buug
baddu meeri karinoo
Beryo lama ilaawee

Naftaad baaxad saaraha
Bukaan ugu maciintaa
Kuu beer naxeesee
Haka goyn bariirada

Bahadu hay ladnaatee
Kalgacaylka baasee
ma bogsiin kareesaa??

Inakoo Barwaaqo,
Baro Roon ku noolbaan
Xalay soo Baraarugay.

Cigaa:
Taariikhdu waa buur
Biyo qaadi karinoo
Baadi doon ma noqotee

Dhulka meel banaaniyo
Baan duur ruux dagay
Barqo reer ma oodoo
Kuma waabiriistee

Adigoo bukaan qabin
Balo looma yeertee
Barashada horteed mayaa

Waxaad iigu baaqdiyo
Balankaada fududaa
Beer laxawsi weenaa

Magool:
Guur waa bar ???
Labu ay ku badatoo
Aduunyaduna waa baax

Iyo sida burdoogloo
Way laba bogseesaa
Nafta kuu biseeshoo
indhihii basaastee

Bahdu ay ladnaantee
Kalgacaylka baastaa ah
Ma bogsiin kareesaa

Inakoo Barwaaqo,
Baro Roon ku noolbaan
Xalay soo Baraarugay.

Cigaal:
Waxa laba baraaraa
Bararoowdu hoyataa
Markii bilacda guurkiyo

Nolasha iyo baraaraha
Faraxad aad ku bogatee
Ubad kaa beermaa
Basasbaas ku noolaanin

Adigoo bukaan qabin
Balo looma yeertee
Barashada horteed mayaa

Waxaad iigu baaqdiyo
Balankaada fududaa
Beer laxawsi weenaa

Magool:
Hoyaduba wiilay
Hanaqdeeda saartoo
Horadkeedu siisoo
Dhibaka iyo hantaaqada
hurdo seexan weeydaa
???

Halka aad tabeesiyo
Hibashadana kuguma ogi
Hayeeshe hankaa xero

Hooda iyo nasiibkaaga
Haruub wada wadaagee
Hani kaama gaagixin

Jacaylkana hingal ku xero
Aan kala hayaanee

Cigaal:
Hooraarta dhaqankiyo
Hidaheena sooyal
Bal haybad raacnee
Hore ruuxa kugu xera
Ama caana kugu haba
Hog miyaa la mariyaa

codkii Axmed Cali Cigaal, Halimo Khalif Magool