cakuye hawl adduun badanaa
ma cidla ciirsi laan fadhiyaa
cir kaa dheer dhul kaa dheer
caaweyka kuududaa
weyga ciirsantoo taladu
cayn wareegsantee aniga
culeys baa isaarane
allow ciilka iga bixi
nin caydhi waligii
ceeb kama fogaadee
caaway u darantee
xageen baan cuskadaa

cakuye cosobkii qalbigaa
mahayo carsigii indhahoo
midii aan calmadaan
cidhiidhi igu dhishee
caashaqbaan curtee anigu
la cataabayee addagaa
ifka laygu curatee
allow ciilka iga bixi
nin caydhi waligii
ceeb kama fogaadee
caaway u darantee
xageen baan cuskadaa

calool xumoodayee
xalay baa gogosho
i cuntoo cartamoon
sidaan u cadibnaabaa
cadceedu soo baxdee
cudur baa iigu sii darane
waa calaacashaa madhane
cidi jiiday socodkee
allow ciilka iga bixi
nin caydhi waligii
ceeb kama fogaadee
caaway u darantee
xageen baan cuskadaa

Exit mobile version