VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Geestaada ila qabo - Lyrics

CIGAAL Sida haro gingimanoo Biyo galac ka leeyihiin Geesahana doogiyo Ubaxii isgaadheen X2 Laga guurin waligeed Waxaad tahay gadeedii X2 Sida galab cad ceedoo Fadka lagu gambiyayee Gaban maayo aniguye Waan is guursaneynaa X2 Adna gacaladaydaay Aynu guri yagleelnee Geestaada ila qabo Geestaada ila qabo X2 SHANKAROON Hadaan anigu go'ayoo Cudurkaad igalisay Intuu halista iigalay Aan gabay talaabada Aan gabay talaabada X2 Geeri iyo god mooyee Ifka gogoli ii ool X2 Waxa sidatan iigalay Garaad xume jacayl baa Heeryo igu gembiyayoo Goobtaan ijoojee X2 Go'i waaye hay dhigin Gego laga hayaamee Kaalay gacanta ila qabo Kaalay gacanta iga qabo X2 CIGAAL Sida geenyo uguboo Geesi uu rabbaystoo Geyigoo barwaaqaa Naq ka goosanaysaa Naq ka goosanaysaa X2 Oon gaajo aragoo Galabtii la daawado X2 Waxaad tahay gaddedoo Waxaad guri ku leedahay Halbowlaha guntiisiyo Wadnaha gaarar kiisee X2 Adna gacaladaydaay Aynu guri yagleelnee Geestaada ila qabo Geestaada ila qabo X2 SHANKAROON Sida qaalin geeloo Inta uu gu roob helay Cirkaa baarku gaaroon Lagu guurin waligii Lagu guurin waligii X2 Galabtii caraabada Marku gees uyara baxo X2 Waxaad tahay geddiisoo Midab kiisa gaarka ah Sida loogu goohaan Ana kuugu guuxaa X2 Go'i waaye hay dhigin Gego laga hayaamee Kaalay gacanta ila qabo Kaalay gacanta iga qabo X2
Queue is empty
-- / --