VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Geestaada ila qabo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Axmed Cali Cigaal
Geestaada ila qabo

CIGAAL

Sida haro gingimanoo
Biyo galac ka leeyihiin
Geesahana doogiyo
Ubaxii isgaadheen
X2

Laga guurin waligeed
Waxaad tahay gadeedii
X2

Sida galab cad ceedoo
Fadka lagu gambiyayee
Gaban maayo aniguye
Waan is guursaneynaa
X2

Adna gacaladaydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo
Geestaada ila qabo
X2

SHANKAROON

Hadaan anigu go'ayoo
Cudurkaad igalisay
Intuu halista iigalay
Aan gabay talaabada
Aan gabay talaabada
X2

Geeri iyo god mooyee
Ifka gogoli ii ool
X2

Waxa sidatan iigalay
Garaad xume jacayl baa
Heeryo igu gembiyayoo
Goobtaan ijoojee
X2

Go'i waaye hay dhigin
Gego laga hayaamee
Kaalay gacanta ila qabo
Kaalay gacanta iga qabo
X2

CIGAAL

Sida geenyo uguboo
Geesi uu rabbaystoo
Geyigoo barwaaqaa
Naq ka goosanaysaa
Naq ka goosanaysaa
X2

Oon gaajo aragoo
Galabtii la daawado
X2

Waxaad tahay gaddedoo
Waxaad guri ku leedahay
Halbowlaha guntiisiyo
Wadnaha gaarar kiisee
X2

Adna gacaladaydaay
Aynu guri yagleelnee
Geestaada ila qabo
Geestaada ila qabo
X2

SHANKAROON

Sida qaalin geeloo
Inta uu gu roob helay
Cirkaa baarku gaaroon
Lagu guurin waligii
Lagu guurin waligii
X2

Galabtii caraabada
Marku gees uyara baxo
X2

Waxaad tahay geddiisoo
Midab kiisa gaarka ah
Sida loogu goohaan
Ana kuugu guuxaa
X2

Go'i waaye hay dhigin
Gego laga hayaamee
Kaalay gacanta ila qabo
Kaalay gacanta iga qabo
X2

codkii Axmed Cali Cigaal