Inta gabay kalgacal
Iyo gewsta kaban ka
Guuxiyo lagu tumo
Gurbaankiyo
Maansadu igarab taal

Garta hobal goohiyo
Geeridii abwaan
kiyo xabaashii
Mansadu guntod
Tahayeey

Hiyigayga caashaqa
Marna kama go'aayee

Gocoshada la ooyiyo
Ilmadayda gabax tiriye
Garan maayo ruuxaan
Gantaalaha jacaylkiyo
Soomarin gamuunkiyo

Haduu kagu gaagaxay
Kaygu wuu godlanayaa
Waabes gaawaha ha
U culane

Sidii aar gandaalaan
Gabaldayiyo waagii
Maalintii labada galin
Goortaan ku waayaba
Niyadaan ka guuraa

Qalbigu geediguu raro
Naftu galab caraabada
Guboodiga habeenkii
Gabadanada dhaxamed
Guura leyl dhexe

Afgobadsan maayee
Markaan talo gorfeyoo
Arin aan gunaanado

Soo gunaadka boogtii
Wadnaha iyo garkiisiyo
Halbowlaha ku garabtiil
Ima soo gujinayaan

Gu hooroo kala guray
Daruurtoo bariga iyo
Galbeedkaba curashada
La guuxoo

Saymaha garaaraha
Iyo gabi waqalada
Guulaamadiisiyo
Gurxankiyo hilaacii

Kolba geska baaqdaba
Aan sheeko gacaliyo
Moodo gurigii waagii

Ima soo galbinayaan
Ima soo galbinayaan

Galabnimo cad ceedoo
Godkii ay ku hoyan lahayd
Siidhigatay gogoshoo
Moodii gaduudnayd
Ku mariintay aragtida

Dayaxuna garkii kale
Ka gudoomay nuurkoo
Gacalnimo sagootiyay
Maalin galin danbeetiyo
Habeen soo galkiisii

Gacmaha isa saareenoo
Ay is nabad galyeeyeen

Garwaaqsiga xusuusta
Leh isha galacsigeediyo
Farxadaan lagoohiyo
Aynu garanay caashaqa

Sida uu udhigan yahay
Isu guurinaayaan
Ima soo galbinayaan
Igu baabin maayaan

Waqtigoo nagaabshiyo
Waayahoo nagaasira
Iyo gar alle mooyee
Axdigaynu gunudniyo
Ha iloobin gobanimo

Hayga gaabin adunyadu
Gacalooy kaalintaada hay
Gabin gobaaday

Gaaridii i hanatiyo
Noqo gabanadeduna
Wanag lagu gardadshe

Gurigeeda baahane
Soo baadi goobee
Qurux lagu hagogiyo
Gabadhii hidahayaga

Exit mobile version