Wali soo dhaweyntiyo
salaanta iyo bariidada
kuguma aanan saluugine
suubanida weedhiyo
su’aashuna i deeqdee
sasaba iyo xeeliyo
sidey kugu dilaan bey
sir haween u badantee
saxar anigoon qabin
waxa aan la salalaa
i salaaxdey dhabankee
dhunkashadu sidey tahay

Wali sahashigaagiyo
seefteyda hadalka ah
iskumaynaa saluugine
kolkii aynu diir qudha
islama aynu suganine
sasaba iyo xeeliyo
sidey kugu dilaan bey
sir haween u badantee
saxar anigoon qabin
waxa aan la salalaa
i salaaxdey dhabankee
dhunkashadu sidey tahay

Wali suuda dheeriyo
sahankaan ku maqanahay
ee siifog sanadahaa
reerkiina sada yaal
igama aanad soorine
sasaba iyo xeeliyo
sidey kugu dilaan bey
sir haween u badantee
saxar anigoon qabin
waxa aan la salalaa
i salaaxdey dhabankee
dhunkashadu sidey tahay

Exit mobile version