VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dheeman - Lyrics

Jacaylkaan la dhuubtayee Cunihiina iga jaray Dhakhtar lagala quustoo Dhaawacay naftaydee 2x Dhayalbaan uu qaatayee Nafta dabarka celisiyoo Dhuuxiyo wadnaha dagay 2x Igu dhaliyay anigoo I dhalaali laabtoo Dhaqdhaqaaqi waayee Aaway dheemantaan rabay Aaway dheemantaan rabay 2x Hadii aadan dhiniciyo Igu qaban dhabtaadoo Igu dhakhsoo hawlahaa Naftu dhimasho waa u hadhee 2x Timahaagana dheeree Dhexda iyo garbaha dagay Dhaayihii ku daawadaa Kugu dheegagaayee 2x Ubixii dhulkeeniyo Dhibic roob la moodyeey Xaragada u dhalataay 2x Dhaladkii haweenkee Dhererkiyo lixaadkiyo Qurux loo dhameeyaay Waan kugu dhadhabayaa Adaan kugu dhadhabayaa 2x Hadii aadan dhiniciyo Igu qaban dhabtaadoo Igu dhakhsoo hawlahaa Naftu dhimasho waa u hadhee 2x
Queue is empty
-- / --